Hot Topics

Faallo:-Lama inkiri karo doorka curadnimo Ee ay ku leedahay PL Dowladnimada Somaliya

13-kii SYL ee Gobanimada dhaliyay reer PL waxay ku lahaayeen 7-Xubnood.

Ninka Calanka Cawaale Alifay waa reer PL.
Ninka Irbada Sunta ah uqaatay,waa reer PL.
Ninka Warqada uliqay Somali waa reer PL.

Maamulkii Xoriyada ee Cabdullaahi Ciise hogaaminayay rabi ha’unaxariisto,waxay ka ahaayeen qayb muuqata oo macno leh.

Dowladihii Dimuqraadiga ahaa ka hor Afgenbigii Askarta,waxay ku lahaayeen door curadnimo shaqooyinkii ay qabteen iyo hogaamintoodiiba.

Ka badbaadintii Wadanka ee nidaamkii Askarta,waxay uhaayeen hormuud.

Fadaraalka Somali iskugu soo laabatay,waxay unoqdeen Sal,ilaaliyayaal iyo horumariyayaal,waxayna suurageliyeen in Villa Somaliya ay ka shaqo gasho Dowlad Qaran markale burburkii kadib.

Sadexdii MW DFS iskaga danbeeyay,waxay wakhtigooda geliyeen in ay meesha ay ka saaraan PL iyo nidaamka Fadaraalka,waana kula loolameen reer PL.

Haatan Xasan loolankiisa ugu danbeeya,waxaa nooga filan in aan qayb laga noqon qorshe walba oo uu wado oo aan usii adkaysano luminta Mashaariicda lagu qiyaasi karo $100-ka Milyan.

Ilaa Somalidu aqbasho in lays qaato oo lays aqbalo oo Deegaan walba waxa uu xaqa uleeyahay markay timaado Saami qaybsiga Siyaasadeed,midka Horumarineed iyo nidaamka Fadaraalka saxda ah,waa loolamaynaa.

Mucaaradnimadu naguma hayso culays,taa badalkeeda waa noogu badisaa oo waa ku dhisanaa.

Saakay ma nihin Sacabooleey ee waxaan Gacanta ku haysanaa Deegaankeenii oo dhismay lehna awood dhaqaale iyo awood Ciidan Saldhigna u ah danaha caalamku ka rabo Geeska.

Awekayagu waa na qaadaa,hadii laga maarmo in Awrta laysku xiriirsado,iyaduna waa fursad kale.

JQ.