Hot Topics

Gogoshii Garowe,waa in laga guuraa qorshaheedii hore.

Gogosha Garowe,waxay ugu badisaa PL in loo raro mid Laba Waji leh,kuwaasoo kala ah….

1.Gogol PL iyo DFS ay kuwada hadlaan.
2.Gogol DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Isku keenista Madaxdii hore,Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta uhanqal taagaya Kursiga Wadanka ugu sareeya PL Dan Siyaasadeed uguma jirto.

Si gaar ah MW Deni oo hankiisu yahay in uu raadiyo Kursiga Villa Somaliya uguma badiso in uu abaabulo Musharaxiin saaxada kusoo ciriiriya.

Loolanka Xasan Shiikh ee Siyaasadeed PL miisaan ahaan kaligeed,ayaa ku filan haday isbahaysi ubaahatana,waxay ka raadsan kartaa DG kale.

Hadii ay ka fursan waydo Musharaxa ay PL baritaarayso,waa in uu noqdaa mid wax la yaqaan oo cad lagula heshiiyo oo ay meel ka taalo danaha horumarineed iyo saamiga Siyaasadeed ee PL.

Macno uma leh PL in ay usamayso Niman Kursi raadinaya Fariisin ay hankooda ku gaaraan.

Gogoshii Garowe,waa in laga guuraa qorshaheedii hore.

JQ.