Hot Topics

Guddi dib u heshiisiin ah oo loo saaray xalinta khilaafyada xuduudka ee u dhexeeya Somalida iyo Canfarta

Dowlada Itoobiya,ayaa samaysay Gudi dib u heshiisiin ah oo wax ka qabta colaada daba dheeraatay ee ka taagan Deegaanada Xuduuda ee u dhaxeeya Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Canfarta.

Guddigan,ayaa isku dhaf ah,wuxuuna ka kooban yahay wakiillo ka kala socda Labada Deegaan iyo hay’ado madax-bannaan.

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya,ayaa kormeeri doona Guddiga si loo xaqiijiyo dib u heshiisiin macno leh.

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya,ayaa qaatay door muhiim ah oo dhexdhexaadineed si loo fududeeyo Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta.

Qorshahan,ayaa looga golleeyahay sidii iskaashi iyo mustaqbal wanaagsan loogu soo dabbaali lahaa bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey.

Colaada xuduuda ee Labada Deegaan,ayaa geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed oo aad u xooggan sannadihii lasoo dhaafay.