Hot Topics

Maxaa ka jira wada hadallada Nayrobi ee dhexmaray Somaliya iyo Itoobiya?

Somaliya,waxay wefti udirtay Kenya,kaasoo ka koobnaa 5-Qof oo kala ahaa…..

1.Ku simaha Wasiirka Arimaha Dibada.
2.Lataliyaha Amniga Qaranka.
3.Agaasimaha Xaafiiska Ra’isalwasaaraha.
4.Caynte.
5.Gabar Sharci yaqaan ah.

Itoobiya,waxaa ka socday wefti ka koobnaa..

1.Wasiirka Arimaha Dibada.
2.Wasiirka Amniga.
3.Ku xigeenka Lataliyaha Amniga Qaranka.
4.Afhayeenka Dowlada Itoobiya.

Kenya waxaa ku matalayay dhexdhexaadinta.

1.Wasiirka Arimaha Dibada.
2.Ku xigeenka Sirdoonka.
3.Lataliyaha Amniga Qaranka.

Somaliya waxay Miiska soo saartay…

B.In Itoobiya uga laabato heshiiskii ay SL la gashay si waadix ah.

T.In Somaliya ogoshahay heshiis Badeed oo Ganacsi oo ay Itoobiya la gasho.

Itoobiya waxay Miiska la timid…

B.In ay si qarsoodiya uga laabanayso heshiiskii SL ay la gashay oo aysan shaacin karin una dirtay Hargaysa wefti uba sii sheegay.

T.In Somaliya ay la gasho heshiis Badeed oo Ganacsi ah.

Labada dhinac toos iskuma hor fariisan oo Laba Qol ayay kala fadhiyeen,waxaana ukala Dab qaadayay Kenyatiga oo Maraykanku xoojinayo.

Wada hadaladu,waxay ka dhaceen Wasaarada Arimaha dibada Kenya Xarunteeda,waxayna bilowdeen 3-Saac Subaxnimo ilaa 5-Saac Habeenimadii Sabtida ay soo galaysay,waxayna kusoo idlaadeen natiijo la’aan.

Subixii Sabtida,ayaa laysku soo laabtay oo dhexdhexaadintu sii socotay,balse 1-Dii Duhurnimo ayay si rasmi ah wada hadaladii ufashilmeen oo lagu kala tagey.

Wada hadalladii,waxaa fashiliyay weftigii Itoobiyaanka oo go’aan qaadan waayay iyo RW Abiy oo diiday dalabkii Somaliya ee ahaa in uu si cad ushaaciyo ka laabashada heshiiskii uu la galay SL.

Waxaa jiray qoraal baaqday kadib markii Somaliya ay ku xirtay in Itoobiya shaaciso ka laabashada heshiiska ay la gashay SL ,kaasoo ay ku midaysnaayeen Dowladaha Kenya,Somaliya,Itoobiya iyo Jabuti oo ahaa in si wadajir ah;iyadoo la ixtiraamayo Madaxbanaanida Wadamada looga faa’idaysto Khayraadka Badda.

JQ.