Hot Topics

Talyaha Ciidamada Itoobiya oo weerar Afka ah ku qaaday Somaliya

Talyaha Ciidanka difaaca Itoobiya Feild Marshal Birhanu Jula oo wareysi soconayey 2-Saacadood iyo dheeraad siiyey warbaahinta dalkiisa,ayaa sheegay in aysan Dowladda Somaliya fadhiyin oo ku nagaan karin caasimada Muqdisho, haddii ay ciidamada Itoobiya ka baxaan gudaha Soomaaliya.

“Hadii aysan joogin Ciidamada Itoobiya gudaha Somaliya Dowlada Villa Somaliya fadhida way fashilmi lahayd,haatana 60% anagaa Maamulna Somaliya”Ayuu yiri Talyaha Ciidamada Itoobiya.

Birhanu,ayaa ku dhaliilay DFS Labo Wajiilayn, marna amaanaysa dhankooda marna maagaysa, taas oo uu sheegay in aysan sax aheyn oo ay dafiicnimo tahay.

Sidoo kale Talyaha Ciidamada Itoobiya Birhanu Jula,ayaa ku eedeeyay Dowladaha Masar iyo Sudan in ay hubeeyaan Jamhada ka dagaalama Gobolka Benishanguul oo uu ku yaal Biyo xireenka GERD.

Siyaasad ahaan Taliye Ciidan waraysi noocaas ah mabixiyo,waxayna ku tusaysaa Itoobiya in ay ku dhisan tahay awood qaybsi Qowmiyadeed iyo hogaamin kali talisnimo.

Itoobiya hadba kooxdii meesha qabsata,ayaa cid ay rabto cadow ku sheegta tay rabtana Sxb ka dhigata,iyadoo masaalixda shaqsi ee hogaamiyaha markaas Talada haya lagu shaqeeyo,Wasiir,Talye ilaa Askari.

Dowladnimada Somaliya macno ma yeelanayso ilaa Ciidamada Shisheeyo Wadanka laga saaro oo la dhiso Ciidan Qaran.

Balse nasiibdarada jirta,ayaa ah in MW Xasan aragtidiisa Dowladeed ay ka hoosayso fahanka heerkaas gaarsiisan.