Hot Topics

Faahfaahin heshiiska Shidaal Ee ay DFS la gashay Shirkada Maraykanka ah

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis kale oo cusub la gashay shirkad kale oo Mareykan ah, taas oo shidaal kasoo saari doonta xermooyin Shidaal oo ku yaala Somaliya.

Shirkadan cusub oo la yiraahdo Liberty ayaa shaacisay heshiiska ay la saxiixatay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka.

Shirkada,ayaa sheegtay in uu heshiiskan yimid kadib yadadiilada laga qaaday saliid iyo gaaska ganacsi ee laga helay dalalka kale ee Bariga Afrika ee Kenya, Uganda, Tansanita iyo Mosambik.

Arrinkaas,ayaa horseeday in Shirkadaha Saliiddda ayay dib u qiimeeyaan rajada batroolka ee dalalka Geeska Afrika.

Madaxa Shirkadda Shidaalka ee Liberty Lane Franks,ayaa sheegay in heshiiska ay la saxiixdeen Dowladda Soomaaliya uu yahay natiijada wada-xaajoodyo dabo-dheeraa oo socday muddo dhan Toban Sano.