Hot Topics

Maxay kala yihiin Xirmooyinka Shidaal Ee DFS siisay Shirkada Liberty?

Shirkada Liberty ee Maraykanka ah oo ay heshiis la gashay DFS,waxay sahmin Shidaal ku samaynaysaa Saddex Xirmo Shidaal oo dhanka Xeebta ah,kuwaas oo kala ah….

1.Xirmada 131

2.Xirmada 190.

3.Xirmada 206.

 

Xirmada 131?

Sahmin horay loogu sameeyay;ayaa muujinaya in ay jirto rajo weyn oo laga qabo in aagan xeebta ah laga heli karo kheyraad badan oo shidaal ah.

Xirmada 190?

Waxay ku taal Dooxada Jubba-Lamu,waxaana horay loogu sameeyay Sahan,kaasoo muujinaya suurtagalnimada ah in halkaas loogu tago Saliid iyo Gaas sare oo aad u badan.

Xirmada 206?

Xirmadan 206,waxaa la barbardhigaa Xeebaha Namibia oo Shidaal fara badan oo laga helay.

Xirmooyinkan,ayaa horey loo sahmiyay,waxaana jirta rajo weyn oo laga qabo in uu ku jiro Shidaal fara badan.

 

JQ.