Hot Topics

W.Arimaha Dibada Itoobiya oo ku celiyay in ay lagama maarmaan tahay in ay hesho Bad

“Itoobiya in ay ka hesho jaan Badda Cas,waxay muhiim utahay amniga iyo xasiloonida Qaran ee Itoobiya,waxayna ku baadigoobaysaa si Sharci ah”Ayuu yiri W.Arimaha Dibada cusub ee Itoobiya.

“Ethiopia’s newly appointed Foreign Minister, Taye-Atske Selassie, told state media that “direct access to the sea is a matter of our stability and national security,” adding that Ethiopia’s quest for seaports is very legitimate.”

Hadalkiisa,isagoo sii wata,Ayuu yiri” Wadan Itoobiya oo kale ah,waa in uu helaa dhaqaale xoog badan,wuxuuna ku samayn karaa Bad”.

Wasiirka,ayaa ka dhawaajiyay in BC dadaal Diblomaasiyadeed oo xoog badan ay gelisay sidii xal loogu heli lahaa baahida Badeed ee Itoobiya,hadalkan,ayaa umuuqda in Wasiirku ula jeedo dhexdhexaadintii laga dhex waday Somaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka Arimaha Dibada oo ka mid ahaa weftigii Itoobiya ay udirtay Nayrobi Jimcihii lasoo dhaafay ee wada xaajoodka dadban la galay weftigii Somalida in uu hadal noocan ah kasoo baxo,waxay ka dhigan tahay in xalkii Diblomaasi uu sii rajo yaraanayo.

DFS,ayaa ku adkaysatay in marka hore Itoobiya si cad uga laabato heshiiskii isfahan ee ay la gashay SL.

JQ.