Hot Topics

Natanyahu oo ku adkaystay sii wadida dagaalka Xamaas

“Waa dhamaystiraynaa Shaqada oo waa ka nadiifinaynaa Xamaas Raffah,sidoo kale Qasa ma noqon doonto meel khatar ku ah mar danbe Israa’iil”Ayuu yiri Netanyahu.

Hadalkiisa,isagoo sii wata,Ayuu yiri Netanyahu…

“Xamaas in ay dib isku soo hubayso oo isku soo dhisto oo ay khatar nagu noqoto markale ma sugayno”.

Beesha caalamka,ayuu udiray fariin oranaysa..

“Iskuma helaysaan in aad tiraahdaan Israa’iil,waxay xaq uleedahay in ay difaacato amnigeeda hadana aad diidaan markaan talaabo qaadno”.

Israa’iil marna ma bilaabin dagaal,balse 8-dagaal oo lagu soo qaaday way ku guulaysatay,waa hal hayska reer Israa’iil ee Maanta.

Khasaaraha Rayidka soo gaaraya,ayuu sheegay in ay aad uga taxadari doonaan si aan taariikhda dhicin oo aysan samayn Dowlad kale oo Aduunka ah.

Netanyahu,wuxuu hadalladan ka jeediyay Shirweynaha Siyaasadda AIPAC;wuxuu umahadceliyay taageerada Maamulka Biden,wuxuuna ballan qaaday in ay Israa’iil ku adkaan doonto dagaalka.

JQ.