Hot Topics

Ma dhabaa in ay kasoo jeedaan PL Burcada Afduubatay Markabka Ganacsi?

Markabkan,waxaa Afduubtay Dhalinyaro reer Puntland ah,gaar ahaan Gobolka Mudug Degmada Jariiban ee Garacad hoos timaado.

Ninka hogaaminayay Dhalinyaradan,waxaa la yiraahdaa Cabdi Maxamed Faandhe,waxayna walaalo yihiin talyaha Saldhiga Garacad Sugulle Faandhe.

Markabka,ayaa haatan lagu haystaa Badweynta oo way ku dhici waayeen in ay lasoo aadaan Xeebaha.

Arinka iswaydiinta mudan,wuxuu yahay..

Meeye Ciidankii Badda ee ahayd Shaqadoodu ka hortagida iyo la dagaallanka Burcad Badeeda?

Dhacdadan,waxay ceeb iyo foolxumayn ku tahay Dekeda Garacad iyo Maalgashiga Deegaankaas ka socda.

Sidoo kale,waxay khatar ku tahay Amniga Maraakiibta Ganacsi ee usoo socda Dekeda iyo kuwa la qorshaynayo in ay ku hakadaan.

Bulshada Garacad,waa in ay go’aan adag ka qaataan Burcadan Markabka qabsatay oo ay la shaqeeyaan Dowlada haday rajo ka qabaan in uu guulaysto Mashruuca Dekeda Garacad.

Horay,waxay Burcad Badeed ugu haysteen Deegaanka Falahfalah Markab,iyadoo xogo qaarkood sheegayaan in Gudoomiyaha Gobolka Bari ku lug leeyahay.

Dhacdooyinkan,waxay ku yihiin Puntland,waxaan la aqbali karin oo aan la qaadan karin.

 

 

 

JQ.