Hot Topics

Wasiirada Caafimaadka oo loo kala wareejiyay xilalkii

Garoowe: 13 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Jaamac Faarax Xasan, oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeennadii iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Jaamac Faarax Xasan, ayaa ka warbixiyey Shaqooyinka Wasaaradda u qabsoomay 5-sano ee lasoo dhaafay, sida ay u maaraysay xaaladihii caafimaad ee Adduunka ka dhacay sida COVID-19 iyo cudurada kale adduunku wajahay, oo marwalba Wasaaraddu ay dadaal ku bixinaysay la helo qalabka baaritaanada casriga, tallaalka iyo daaweynta in lagu wada gaarsiiyo dadweynaha meelkastay joogaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay shaqadii wanaagsaneyd ee Wasiirkii hore iyo masuuliyiinta kale ee caafimaadku qabteen, wuxuuna Kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka inuu halkaasi hore ugasii wado Wasaaradda si loo fulliyo qorshaha dhow iyo kan fog ee Horumarinta Caafimaadka Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Musuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiintii hore ee Wasaaradda, Guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirada, Agaasimeyaasha iyo Shaqaalaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU -XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.