Hot Topics

DFS oo beenisay in Imaaraadku ka joojiyay Lacagihii uu ku kabi jiray Ciidamada

Dowladda federaalka Somaliya,ayaa dacaayad ku tilmaamtay warar sheegaya in uu hakad ku yimid mushaarka qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda, sababo la xariira in mid ka mid ah dalalka shisheeye ee ciidamada Somaliya ka caawin jiray mushaarka uu joojiyay Lacagihii kaalmada ahaa ee uu bixin jiray.

Warbaahinta qaar,ayaa qortay in xiriirka Imaaraadka iyo Somaliya uu hoos u dhacay,kadib markii dowladda Somaliya ay heshiish difaac la gashay Waddanka Turkiga oo ciidamo u tababaraayay Somaliya muddo Sannado ah.

Inkasta oo uu Wasiirku ka gaabsaday in uu si gooni ah uga hadlo warka la xiriira in Dowladda Imaaraadku jartay deeqdii ay bixin jirtay,hadana waxa uu sheegay in Ciidamadu xuquuqdoodii ay helaan.