Hot Topics

Warbaahinta PL ma matalo Gudiga Xamar laga dhisay

Warbaahinta Puntland qayb kama ahan Gudiga Xamar lagu dhisay mana matalo,sababtoo ah lagalama tashan.

Sideedaba,waxaan lagu midaysnayn cidna gaar uma samaysan karto,hadiise ay ku tagrifasho,waxay noqonayaan waxaasi wax kooxdaas gaar uleedahay.

Gudiga Xamar laga dhisay,waa NGO uu samaystay Wasiir Alcadaala oo lagu darsaday Laba Qof oo Magac uyaal ah.

Gabadha Faadumo Taxadar,waa Dumaashida Wasiir Alcadaala,waana reer Muqdisho oo PL iyo Beesha ay matalayso wax saamayn ah kuma lahan.

Kooshin,waa la oran karaa waa reer Gedo,balse ma ahayn Wariye Shaqaynayay waayihii udanbeeyay oo xog ogaal u ah baahiyaha Saxaafada iyo cabashooyinkooda.

Mida kale oo la yaabka leh,waxay tahay Warbaahin Madax banaan oo Gudi loo dhisanayo?.

Gudigan,waa Dastuuri lagu qaybiyo 4.5 lkn leh habraac loo maro oo la ilaaliyo,balse in Suuqa laga qorto Dadka ka mid noqonaya,waxay macno tiraysaa matalaadooda iyo Shaqadooda.

JQ.