Hot Topics

Laba Qarax oo is xig xiga oo ka dhacay Hotel SYL Muqdisho

Warar horudhac ah,ayaa sheegaya in Laba Qarax oo is xigxiga ay ka dhaceen Hotel SYL oo ku yaalla xayndaabka Madaxtooyadda Somaliya.

Qaraxyada,ayaa ahaa Hoobiyayaal lagu soo tuuray Hotelka SYL oo ay degan yihiin Xildhibaano door ah oo ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya.

Majirto Maleeshiyo gudaha ugashay Hotelka,sida ay xaqiijiyeen Dad goobjoogayaal ah,waxa Dadku uqaateen Dabley  argagixisada ah oo gudaha usoo gashay,waxay ahaayeen Askar DFS ka mid ah oo Qaraxa ku argagaxday.

Waa Habeenkii Labaad ee Qaraxyo ka dhacayaan Muqdisho,waxayna imaanayaan,iyadoo Deegaamo baahsan oo Galmudug ah oo ay dib uqabsadeen Argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale,waxaa  dagaal xoog leh ka dhacay Magaalada Beledweyne,kaasoo udhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Hirshabelle iyo Maamulka la magacbaxay Hiiraan State.

Qaraxa Hotel SYL,waxaa durba sheegatay goor dhawayd kooxda Alshabaab.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka