Hot Topics

Madaxweynihii hore Ee DDSI Cabdi Iley oo Xabsiga laga sii daayay

Madaxweynahii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa laga sii daayay Xabsi ku yaala Magaalada Addis Ababa.

Cabdi Iley,ayaa ku jiray Xabsiga tan iyo bishii Ogoosto sanadkii 2018-kii.

Qareenkiisa Iskendir Geshne,ayaa xaqiijiyay sii dayntiisa,wuxuuna sheegay in Dacwad oogaha guud ka noqday dhammaan arimihii uu ku eedaysnaa.

Raxma oo ahayd Xildhibaanad ka tirsan Barlamaanka DDSI iyo Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Carruurta oo la xirnayd Cabdi Iley,ayaa iyadana lala sii daayay.

Ma cada sababta dhabta ah oo loo siidaayay,isla markaana looga laabaltay Dacwadihii waa weynaa ee loo haystay Cabdi Iley.

Madaxweynihii hore ee Deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,ayaa Xabsiga la dhigay markii uu talada Wadankaas la wareegay Ra’isalwasaare Abiy.