Hot Topics

Talyihii Ciidamada Haramcad oo ku dhaawacmay weerarka Hotel SYL

Taliyaha Ciidanka Haramcad ee Turkiga tababaray Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax,ayaa ku dhaawacmay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka SYL ee ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaano iyo Saraakiil  kale,ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen weerarka.

Si gaar ah Xildhibaan Xoosh oo ka mid ah kuwa PL ku matala Baarlamaanka Fadaraalka,ayay Shabaab sheegteen in ay ku dileen weerarka,mase jirto cid madax banaan oo xaqiijisay sheegashadooda.

Weli xaalada Hotelka Gacanta laguma dhigin,waxaana socota Xabad.