Hot Topics

Puntland oo ka hadashay Markabka la Afduubtay Ee Bangalidhesh

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Puntland oo hadlay,ayaa sheegay in ay ka warqabaan in Markabku kusoo wajahanyahay xeebaha Puntland qorshena ka leeyahiin.

“Annagu howlgal rasmi ah oo aanu kula wareegayno Gaadiidka,iyagana aanu ku xirayno kuna marinayno shuruucda,ayaan leenahay,marka annaga istiraatijiyaddayaddu waxaa weeye in ayna Xeebahayagu noqonin bahalo galeen lala yimaado Gaadiidka Badaha lagu soo Afduubto,ayaa naga go’an”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Bangladesh Xasan Maxmuud oo saxaafadda lahadlay,ayaa sheegay in ay isku dayayaan in ay la xiriiraan burcadda, iyaga oo adeegsanaya Gacan Labaad.

Warbaahinta dalkaas,ayaa sheegtay in Qoysaska shaqaalaha Markabka saaran ay talaadadii isa soo dhoobeen xafiiska Shirkaddu ku leedahay gudaha magaalada Chittagong ee dalka Bangladesh.