Hot Topics

Faahfaahin:-Daynta laga cafiyay Somaliya?

Dhowr dal ayaa ku heshiiyay in ay ka dhafaan deyn ka badneyd 2 bilyan oo doolar oo lagu lahaa Soomaaliya

Xubnaha Paris Clup oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Japan iyo Ruushka ayaa u dhaafay dhammaan deyntii lagu lahaa Soomaaliya kaddib markii ay gaartay dhammaadka hindisaha deynta cafinta ee ay kormeerayeen hey’adda lacagta adduunka IMF iyo banka adduunka.

Soomaaliya ayey ka go’neyd in ay mudnaanta siiso dhimista faqriga iyo in ay maalgeliso caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha aasaasiga.

“In deynta si buuxda loo cafiyo waxay wax ka badaleysaa mustaqbalka Soomaaliya, waxayna u ogolaaneysaa dowladda in ay fursad u hesho adeegyada aasaasiga” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Hindisaha deyn cafinta ee bishii desember waxa uu dalka ka dhigay in laga cafiyo 4.5 bilyan oo doolar.

Soomaaliya waxaa laga saaray nidaamka maaliyadeed ee adduunka in ka badan 30 sano kaddib sanado uu dalka ku jiray dagaallo sokeeye iyo kuwa xagjirnimo.