Hot Topics

Yaa Gacanta ku haya Maamulka Magaalada Beledweyne?

Dagaal,ayaa xalay ka dhacay magaalada Beeledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo kuwa taabacasan Maamul la magac baxay Hiiraan State.

Laba Qof,yaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu danbeeyay ee la helayo,waxay sheegayaan in inta badan Xarumihii Maamulka ay Gacanta ku dhigeen Maamulka la Magac baxay Hiiraan State oo laga saaray Maamulka Hir-shabelle.

Waxa ka dhacaya Beledweyne,kadib ka bixitaankii Ciidamada Jabuti,waa wax niyad jab ku ah Somalida.

In Ciidamadii reer Beledweyne ay Laba Magac kala samaystaan kadibna isku duulaan,waxay diraysaa fariin khaldan.

Dooda ah Ciidamada shisheeye Somaliya weli way usii baahan tahay ayay xaqiijinayaan dagaalada dhacay.

Waxaa muuqata in DFS aysan awood ulahayn hanasahada amaanka Dalka,isla markaana Bulshada Koonfurta Wadanku aysan bislaan weli,sidoo kalena Maamulada jiraa ay diciif yihiin.

Beledweyne uma baahnayn colaad cusub iyo kala qaybsanaan.