Hot Topics

Doorashada Gudoomiyaha Midowga Afrika oo looga xaajoonayo Adis Ababa

Wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika,ayaa isugu yimid magaalada Addis Ababa ee Wadanka Itoobiya.

Kalfadhigii 22-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Fulinta,ayaa dib loogu eegayaa qorshaha doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee la qorsheeyay inuu qabsoomo bisha February ee Sanadka 2025.

Shirka oo billowday Jimcihii,ayaa waxaa qayb ka ah Wakiillo ka socda Midowga Afrika dhammaan 55-ta Waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, saraakiil ka kala socda qaybaha iyo xafiisyada Midowga Afrika, iyo saaxiibada istaraatiijiga ah.

Golaha fulinta,ayaa ka doodi doona warbixinta qabyada ah ee ku saabsan u diyaar garowga doorashada ee dhamaadka muddada xilka Moussa Faki, oo hadda ah Guddoomiyaha AUC ee xilka la wareegay March 2017.