Hot Topics

Fowsiyo makaga adkaan doontaa Odinga Tartanka Gudoomiyaha Midowga Afrika?

Wadamada Bariga Afrika,ayaa markan aad udanaynaya in ay helaan Kursiga Guddoomiyaha AUC,sida uu qeexay Wasiirka Arimaha Dibada Tansaaniya.

Kenya,waxaa ka sharaxan Odinga oo horay usoo qabtay jagada Ra’isalwasaaraha,isla markaana dhawr jeer looga guulaystay tartanka Madaxweynaha Kenya.

Sidoo kale Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha 2018 ilaa Febraayo 2023,ayuu soo noqday.

Raila Odinga,wuxuu bilaabay olole uu ku raadinayo taageero,iyadoo uu garab istaag ka helay hogaamiyayaasha Gobolka Bariga Afrika intooda badan oo ku jiro Madaxweynaha Rwanda.

Sidoo kale Madaxweynaha Wadankiisa Kenya William Ruto oo muhiim u ah Olalihiisa,ayaa adag ugarab taagan hankiisa,wuxuuna ubalan qaaday in uu yahay Musharaxa rasmiga ah ee Jagadaas ee Kenya ay gudbinayso.

Somaliya,waxaa ka sharaxan Xildhibaanad Fowsiyo Xaaji Aadan oo soo noqotay Wasiirka Arimaha Dibada,balse DFS ilaa iyo hada ma cadayn in ay garab taagan tahay Musharaxnimadeeda.

Si guud marka loo eego tartanka Kursigaas haduu kusoo ururo in ay ku loolamaan Kenya iyo Somaliya ama Odinga iyo Fowsiyo,waxay ubadan tahay in Kenya iyo Musharaxeedu guulaysan doono,sababtoo ah…

1.Kenya Dowlad ahaan way kaga xurmo saraysaa Afrikaanka dhexdiisa Dowlada Somaliya.

2.Odinga waa ka maqaam weyn yahay Fowsiyo X.Aadan.

3.Dowladaha Afrikaanka ah oo intooda badan aan ka arkin Somaliya danahooda,halka qaar Bariga Afrika ka mid ah ay uba arkaan in ay khatar ku tahay danaha ay leeyihiin Somaliya.

 

JQ.