Hot Topics

Wasiirka Arimaha Gudaha PL oo Eedeyn xoogan ujeediyay DFS

Wasiirka arimaha Gudaha Dowlada Puntland Juxaa,ayaa mid si cad uqeexaya in Villa Somaliya MW fadhiyaa umuujiyay reer PL colaad hoose oo dhaafsiisan Siyaasada lagu kala aragti duwan yahay.

Mashaariicdii horumarinta iyo adeega Bulshada lagu kabi jiray ayay DFS u adeegsatay Siyaasad oo ku hor istaagtay Qalinkii Dowladnimada Somaliyed.

Dad badan,ayaa qabay in hadalkan loo baahnaa oo ay ahayd in loo iftiinsho Bulshada hab dhaqanka MW Xasan Shiikh.

Hadalka Wasiir Juxaa,waa mid dhiirigelin ah oo aysan fahmi karin Dadkan caadiga ah ee aragtida dhow.

Muhiimada hadalkiisu,waa in aan PL ilaalsanaa oo ka shaqaynaa horumarkeeda.

Sidoo kale hadalkiisu,wuxuu daaran yahay in nacfiga iyo qiyamku kala weyn yihiin oo aan la noqon Dad Cuno oo waayuhu badali karaan.

PL,waa nidaam macno weyn leh oo Dowladnimada Somaliyed qiimo ugu fadhiya;hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.