Hot Topics

Wasiir ku xigeenada cusub Ee PL oo la dhaariyay

Garoowe: 20 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Waxbarashada, Qorsheynta iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo saaka ka qabsoomtay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, iyadoo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.

Xubnaha la dhaariyey saaka,ayaa kala ah:

1. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid.

2. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Xasaan Ibraahin

3. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Siciid Saalax Seed .

Madaxweynaha ayaa Wasiiradda alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay sida ugu wanaagsan inay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.