Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Puntland oo la magacaabay

Garowe: 19 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.