Hot Topics

Puntland oo fariin udirtay Burcada ay haysata Markabka MV Abdullah

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed Marduuf,ayaa sheegay in uu Markabka hadda taagan yahay Deegaan Xeebeedka Jiifle.

Taliyaha,ayaa xusay in ay dhanka Barriga ka wadaan howlgal ay uga gol leeyihiin in ay ku go’doomiyaan burcad baddeedda oo aysan galaangal u yeelan inay Barriga ka helaan wax caawinaad ah.

“Waxaan hadda ku sugnnahay barriga, qorshaheennu waa inaysan burcaddu iska abaabulin iyo in kuwa hadda markabka Abdalla aysan helin gurmad dhanka barriga ah, dhanka baddana waxaa ku gadaaman maraakiib ay leeyihiin ciidamada caalamiga,marka dhankasta waa ka godoonsan yihiin,”Ayuu sheegay taliye Marduuf.

“Waa inay kala doortaan inay isku soo dhiibaan Puntland oo deegaannadooda ku maraan ciqaabta ay mudan yihiin ama in sidii markabkii ka horreeyey ee MV Ruen ay gacanta u galaan ciidamada shisheeye oo dalal kale lala aado,”Ayuu intaas ku daray Talyaha Qaybta Booliska Nugaal.

Afduubka markabka MV Abdullah, waa kii ugu dambeeyay in ka badan labaatan weerar tan iyo bishii November oo ay geysteen burcad badeedda Somalida ka dib Toban Sano oo ay howlgalladoodu la cirib tiray.