Hot Topics

Faahfaahin Shirka Garowe uga socda PL iyo Madaxweynayaashii hore

Garowe : 23 March 2024: Madaxtooyada Dowlada Puntland waxaa Maanta ka furmay Shir looga hadlayo marxladda uu dalku marayo.

Shirkaas,waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxwaynihii hore ee Somaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Madaxwaynihii hore ee Somaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , Guddoomiyaha Golaha Wakillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari , Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ee Dowladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Golayaasha Dowladda Puntland.

Inkastoo aan la faahfaahin Qodobada miiska saaran,hadana,waxaa la fahansan yahay in ajandaha ugu weyn uu yahay qorshaha Xasan ee badalida Dastuurka.

Kulamo gaar gaar ah ayay Xalay yeesheen Madaxweynayaashii hore iyo Madaxweynaha Puntland,kuwaasoo looga xaajooday arinka Dastuurka.

Galabta,waxaa Afur lagu wada leeyahay Madaxtooyada Puntland,waxaana la rajaynayaa in Berri foog ay soo gabagaboobaan kulamadu oo wax kasoo baxaan.