Hot Topics

Maxay tahay ujeedada Xasan Ee badalida Dastuurka?

“Sedex Cutub oo Dastuurka ah,ayaa la saarayaa, halka 45-Qodob iyo 97-Farqadood wax laga beddelayo,iyadoo lagu soo darayo 19-Qodob iyo 94-Farqadood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa,waxaana la tirayaa 3-Qodob iyo 26 Farqadood”CC.Warsame.

Waa samaysasho Dastuur cusub ee ma’ahan wax ka badalid Qodobo kooban.

Ujeedka Xasan sidan ugu dhaqmayo,waa Sadex Qodob si ay ugu hirgalaan,kuwaasoo kala ah…

1.Gudi Doorasho oo Labada heer ee Dowladnimada Somaliya ka hawlgala in uu isagu magacaabo si uu ubadalo MW DG.

2.Qof iyo Cod gaaristeeda in uu ku helo mudo kororsi.

3.Laba Xisbi oo mid isagu leeyahay midna uu Dad ku leeyahay in ay samaysmaan oo ay Wadanka Siyaasadiisa xirtaan si uu Kursiga abid ugu fadhiyo.

Xasan isma waydiin makuu hirgeli karaan Qodobadan?

Xasan isma waydiin Dastuurka Wadanka sidaad rabto maka yeeli kartaa?

Xasan isma waydiin,waxaan halkee ka Shaqaynayaan?

Maxaa looga hortagi karaa?

Jawaabtu,waa fududahay oo xataa haduu si sharcidaro ah uu Gacantaag aan kooram buuxin ku meelmarsado kama duwanaan doonaan Waraaqaha yaala Xaafiiska Xisbigiisa UDP.

Somaliya dhibka haysta,waa Nin walba marka uu Kursiga ku fariisto,ayuu waashaa oo ku noolaada jawi kale oo ka baxsan midka Dhulka yaala ee waaqiciga ah.

JQ.