Faallo:-Mowqif waaqiciya oo laga fiirsaday ayay Puntland sii daysay.

Mowqif cad,waaqiciya,laga fiirsaday oo Siyaasad lalafaguray ku fadhiya,ayay Puntland sii daysay.

Kani,waa bilowga Mowqifyo isdaba joogi doona oo ku xirnaan doona hadba go’aamada kasoo baxa DFS Golayaasheeda.

Maxaa xigi doona?

In la dhaqangeliyo Qodobka PL ufasaxaya in ay qaadan karto go’aan masiiriya haday aragto arimo khatar ku ah jiritaanka Ummadda….

1.Golaha Wasiirada PL,ayaa laga meel marin doonaa.

2.Golaha Baarlamaanka,ayaa la horgayn doonaa oo meel marin doona.

Maxaa xigi doona?

Waxaa la qiimayn doona go’aamada iyo hab dhaqanka DFS Golayaasheeda kasoo muuqda.

Hadii masuuliyad darida haatan jirtaa ay sii socoto PL,waxay ugudbi doontaa Shacabkeeda in ay ka qaado Afti Dadweyne.

Ujeedka PL aysan udegdegayn,waxaa ugu weyn in loo turo Qaranimada iyo Midnimada Somaliyed.

Sidoo kale PL iyo BC in ay isla socdaan,ayaa iyaduna qayb ka ah deg-deg la’aanta,waxaan xog ku hayaa Warka ay soo saartay PL Caawa in ay BC la socotay oo ay sugaysay.

JQ.