Faallo:-Waaqiciga Siyaasada Wadanku,wuxuu noqday ila meerayso iyo horay usoco,gadaal unoqo.

2-Sano ka hor,waxaa Shacabka Muqdisho banaanka usoo saaray Maamulka Gobolka Banaadir oo taageeraya mudo kororsigii 2-da Sano iyo 13-kii Seneter ee lagu sheegay Matalaada Aqalka sare ee Gobolka Banaadir oo ay meel mariyeen Xildhibaanadii Baarlamaankii Fadaraalka.

2-Sano kadib Xasan oo Dastuurkii ku falaadaya,ayaa Shacabkii loogu soo saaray in ay taageeraan.

Waa isla sidii oo kaliya jilaaga,ayaa isbadalay,waxaana markiisa isku dayaya in uu tijaabiyi Filinkii Farmaajo ka fashilmay ee salkiisu ahaa uxuubsiibad kalitalisnimo Xasan Shiikh.

Balse,waxaa la hubaa in uu wakhtigu ka idlaan doono,isagoon Sadex arimood waxba ka qaban….

1.Dagaalka argagixisada.
2.Dhismaha Ciidan Qaran.
3.Dastuurka iyo dib u eegistiisa.

Sidoo kale,waxaa la hubaa in mudo xileedkiisu dhamaan doono,isagoo aan Laba arin Somali uga faa’idayn…..

1.Dayn Cafinta naloo sameeyay.
2.Cunaqabataynta Hubka ee nalaga qaaday.

Waaqiciga Siyaasada Wadanku,wuxuu noqday ila meerayso iyo horay usoco,gadaal unoqo.

 

JQ.