Maraykanka oo ka hor leexday qaraar ka dhan ah Israa’iil

Qaramada Midoobay,ayaa soo saaray qaraar ku baaqaya xabbad-joojin deg-deg ah oo Qasa laga sameeyo inta lagu jiro bisha barakaysan ee Soonqaad.

Qaraarka,ayaa sidoo kale ku baaqaya in la sii daayo dhamaan la haystayaasha  dhinacyada dagaalka ku jira.

Waa Qaraar baahi weyn loo qabay,sababtoo ah Shacabka Qasa waxaa haysta culays weyn xiligan ay sooman yihiin.

Maraykanka oo awal hor istaagi jiray qaraar ka dhan ah Israa’iil in uu kasoo baxo  Qaramada Midoobey,ayaa ka aamusay midkan,taasoo ka dhigan in uu raali ka yahay Xabad joojinta.

RW Israa’iil oo kusoo jeeday Maraykanka,ayaa baaqday kadib soo saarista Qaraarkan.