Hot Topics

Beesha Caalamka oo dhabarka ujeedisay Xasan iyo Dastuurkiisa

Fariinta warbixinta BC,ayaa ukala qaybsan Labo qaybood oo kala ah…

1.Xuquuqda Aadanaha

2. firiin toos ugu socota Xassan Shiikh iyo Madaxda kale.

Waddamada Reer Galbeedka,ayaa soo dhaweeyay Qodobadii ay ku khasbeen Xasan Shiikh iyo Guddigiisa dib-u-eegista Dastuurka,kuwaasoo kala ah…

1. Xaqa Nolosha oo micnaheedu yahay in Qofkii Qof dila aan la dili karin – taas oo ka soo horjeedda Shareecada Islaamka.

2. ⁠Qoddobka Xoriyadda Diinta oo u qornaa:

In Diinta keliya ee Dalka lagu fidin karaa ay tahay Diinta Islaamka.

3. ⁠Qoddobka Qaangaarnimada oo Diinta Islaamku qabto 15-Sano jir.

BC Qoddobada la laalay ee Shareecada kasoo horjeeda,iyaga,ayaa ka danbeeyay.

Si guud,waxay Beesha Caalamku sheegtay in isla ogol la helo oo laga sii shaqeeyo dhamaystirka Dastuurka.

Hadalka BC,wuxuu ka dhigan yahay in aysan soo dhaweyn si buuxda ku falaadida Dastuurka ee Xasan Shiikh.

Sidoo kale,waxay ka dhigan tahay in aysan ku faraxsanayn sida Xasan udhaqmay balse ay ka Afgobaadsanayaan in ay toos uga hor yimaadaan.

Muhiimada bogaadinta BC waxay ku kooban tahay oo kaliya xuquuqda aadana,dhanka kale,waxay cadeeyeen in isla ogol laga rabo dhamaan Madaxda Somalida.

JQ.

JQ.