Hot Topics

Wakiilka Xoghayaha Guud Ee QM oo garab istaagtay go’aanka Puntland

Kulankii Puntland iyo Qaramada Midoobey kadib,waxaa Shir jaraa’id wada qabtay MW Deni iyo Wakiilka QM.

Madam SRSG,waxay aqoonsatay:

1. Barnaamujka Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee PL 2024-2029.

2. ⁠Waxay taageertay Siyaasadda Dowladda PL ee ku aadan ka faa’ideysiga Dhaqaalaha Badda (Blue Economy),iyadoo xustay in PL leedahay xeebta Somaliya ugu dheer.

3. ⁠Waxay aqoonsatay khilaafka ka jira Siyaasadda Somaliya,gaar ahaan dariiqa loo maray wax ka beddelka Dastuurka.

4. ⁠Waxay sheegtay in PL diyaar u tahay wada hadal dhab ah.

5. ⁠Waxay aqoonsatay muhiimadda PL ee Somaliya arrimaha dhaqaalaha,siyaasadda iyo Amniga.

Imaanshaha Garowe ee Wafuuda Beesha Caalamka oo ay hogaaminayso Wakiilka Xoghayaha guud ee QM,wuxuu ka mid yahay guulaha ugu horeeya ee ay PL ka gaartay go’aankii ay Xalay qaadatay.

JQ.