Hot Topics

Hogaamiyihii ugu da’da yaraa Afrika oo Xaafiiska loo dhaariyay

Bassirou Diomaye Faye ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha Senegal, si uu u noqdo hoggaamiyihii ugu da’da yaraa ee la soo doorto ee katalin waddan Afrika ku yaalla.

Madax ka kala socota Qaarada Afrika,ayaa ka qeyb galay xaflada caleema saarka oo ka dhacday meel ka baxsan caasimada Dakar.

Bishii la soo dhaafay Mr Faye,ayaa ku guuleystay doorashadii dib u dhacday, isagoo helay boqolkiiba konton iyo afar codadkii la dhiibtay, wuxuuna ka hormaray ninka la tartamayay ee Amadou Ba.

Jimcihii, golaha dastuurku wuxuu xaqiijiyay Mr Faye inuu yahay ninka ku guuleystay kursiga.

Waxa uu la kulmi doonaa caqabado badan oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta dhalinyarada, dhibaatada maciishadda iyo musuq-maasuqa.