Hot Topics

Wadamada Israa’iil iyo Iran oo ay si weyn uga dhex tafan tahay

Iran oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israel kadib dilka 7 sarkaal

Goobta uu ka dhacay weerarka ee Dimishiq
Goobta uu ka dhacay weerarka ee Dimishiq
Iran ayaa maanta ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.

Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq ah oo ku dheggan safaaradda Iran, waxaana uu sii kiciyay xiisadda oo markii horeba cirka ku jirtay iyadoo dagaalka Gaza uu ku dhow yahay dhammaadka bishii lixaad.

Israel ayaa diiday inay ka hadasho weerarka, oo gaas kusii shubay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Gaza ee Israel iyo kooxda Xamas ee xulufada la ah Iran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku martay in Israel la ciqaabi doono.

“Maamulka sharta ah ee Sahyuuniyadda waxaa lagu ciqaabi doonaa gacmaha raggeena geesiyaasha ah. Waxaan ka dhigi doonnaa inay ka shallaayaan dambigaas iyo kuwo kale,” ayuu Khamenei ku yiri farriin uu ku daabacay website-kiisa rasmiga ah.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa dhaleeceeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah” kaasi oo “aan noqon doonin mid aan laga jawaabin”.

“Kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmeen caqiidada iyo rabitaanka dagaalyahannada Jabhadda wax-iska-caabbinta, taliska Sahyuuniyadda wuxuu ajandihiisa ka dhigay dilal qorsheysan oo indho la’aan ah, halganka uu ku doonayo inuu naftiisa ku badbaadiyo,” Raisi ayaa sidaas ku yiri qoraal.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo duqaynta gelinka dambe ee Talaadada maanta ah oo uu yeelanayo kulan ay codsatay dowladda Ruushka oo xulufo la ah Syria.

Weerarkan ayaa lagu dilay toddoba ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan qeybta howlgalada shisheeye ee Quds, kuwaas oo kala ah Sareeye Guuto Mohammad Reza Zahedi iyo Sareeye Guuto Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran.

Safiirka Iran ee Suuriya, Hossein Akbari ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in weerarka “ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-35” oo lix gantaal ku dhuftay dhismaha.

Xigasho:-VOA