Hot Topics

Maamulka Xamar ma xiri karaa Qunsuliyadaha Itoobiya Ee Garowe iyo Hargaysa?

Warka sheegaya in la cayriyay Safiirka Itoobiya waa wax lagu qoslo.

Waxa iswaydiinta mudan,waxay tahay markii PL ay heshiis la gashay Itoobiya miyaa lagu dhiiranayaa cayrinta Safiirka Itoobiya?

Heshiiska PL iyo Itoobiya,waxaa ka xoog badnaa boqol jeer kan SL iyo Itoobiya mana sababin in xiriirka Diblomaasi toos loo jaro.

Maamulka Xamar kama saari karo Dhulka Somalida Diblomaasiyada iyo Ciidanka Itoobiya,si gaar ah Qunsuliyadaha Garowe iyo Hargaysa kuma xirmayaan amarka Xamar.

Majirto qadiyad Somaliyed oo umidaysan cadaawad ka dhan ah Dowlada iyo Shacabka Itoobiya.

Sidoo kale majirto qadiyad ama Dowladnimo ama Siyaasad Somali wada leedahay oo lawada ilaalsanayo.

Dowlada lumisay Sharciyada Qaran ee Xamar,waxay Gacanteeda kusoo afjartay Dastuurkii lawada lahaa ee isku hayay Somalida.

JQ.