Hot Topics

Maxaa xalay ku dhacay WhatsApp, Facebook iyo Instagram?

Baraha xiriirka bulshada ee kala ah WhatsApp, Facebook iyo Instagram ayaa xalay si kooban khadka uga baxay, ka dib markii uu damay hab-dhiska dhexe ee shirkadda iska leh barahaan oo la yiraahdo Meta.

Abbaarihii 19:00 BST (xilliga xagaaga Britain) oo ku beegneyd 9-kii fiidnimo ee Afrikada Bari ayaa culeys laga dareemay khadka saddexdaas shirkadood oo wallow shaqo ahaan ay kala madaxbannan yihiin, haddana si ahaan isku sidkan maadaama hal meel laga maamulo.

Cilladdan ayaa laga dareemay meelo kala duwan oo dunida ah, taas oo hadal-hayn weyn ka dhalisay baraha bulshada oo macaamiil gadoodsan ku wadaageen tabashadooda.

Tillaabadan ayaa maamulka shirkadahaas ku khasbay in macaamiisha kala hadlaan barta X ee horay loo oran jirey twitter, si ay macaamiisha u qanciyaan, iyagoo mid mid ugu xaqiijiyey in cillad yar jirto islamarkaana si dhakhso leh loo xallin doono. Ugu yaraan 2 saacadood ayey Meta ku qaadatay in si buuxda loo soo celiyo Khadka Facebook iyo Instagram.

Shirkadda Meta oo uu leeyahay Mark Zuckerberg ayaa haysata 3.19 bilyan oo macaamiil ah, ku waas oo ku kala xiran baraha kala ah Facebook, WhatsApp, Instagram iyo Threads.

Xigasho:-BBC