Hot Topics

Israa’iil ma si ula kac ah ayay ulaysay Shaqaalaha?

Cunta-kariye sare Jose Andres oo ah aas-aasaha Hey’adda Gargaarka ee Worl Centeral Kitchen, ayaa Arbacadi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in weerarki ay Israel ku dishay 7 ka mid ah shaqaalihiisa gudaha magaalada Gaza uu ahaa mid loo fuliyay si ula kac ah.

Wareysi qiiro lahaa oo uu siiyay Rueters, ayuu Jose Andres ku sheegay, in ay xiriir cad kala yeesheen ciidamada Israil cuntada ay ka qeybinayeen Gaza isla markaana ay ciidanka Israil ogaayeen dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha gargaarka.

Shaqaalaha la dilay ayaa baabuurki ay la socdeen lagu dhuftay gantaal waxyar kaddib marki ay soo dajiyeen cunto gaareysa 100 tan oo ay Qasa u soo marsiiyeen badda. Dowladda Israil ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid u dhacay si kama ah.

Dowladaha dunida gaar ahaan kuwa galbeed,ayaa cambaareeyay isla markaana dalbaday baaritaan iyo jawaabo cad.