Hot Topics

Sanbalooshe oo noqday Agaasimaha cusub Ee Nisa

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) inuu noqdo Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Waa markii saddexaad oo loo magacaabo Sanbaloolshe agaasimaha NISA.

Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad ayaa bayaan uu soo saaray u hambalyeeyay Sanbalooshe.

Golaha Wasiirrada ayaa u mahadceliyay agaasihii hore ee NISA, sida ay qortay warbaahinta dowladda Federaalka. Ma cadda sababta keentay inuu shaqada NISA ka tago Mahad Salaad.

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.” ayay qortay warbaahinta dowladdu.