Hot Topics

Faahfaahin weerarka Alshabaab Ee Magaalada Balcad

Duqa Magaalada Balcad Qaasim Cali Nuur,ayaa sheegay in la dilay 11 ka mid ah Al-shabaabkii kadib weerar ay soo qaaday, isaga oo halwgalkaas ku tilmaamay mid lagu guulystay.

“Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Deegaanka,ayaa saaka araxda ka jabiyay kooxaha dheeriga ah ku ah Adduunyada (Al-shabaab) oo saaka jab xoog leh loogu geystay degmada Balcad”Ayuu yiri Jen. Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlayay warbaahinta Dowladda.

Dhanka kale Al-Shabaab,ayaa sheegtay in Gaari walxaha Qarax laga soo buuxiyay ay ku qarxiyeen xarunta nabad sugidda ee magaalada,waxaana ay sheegeen inay khasaare xooggan gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda.