Hot Topics

Dardargelinta Shaqada Wasaarada Caafimaadka PL oo la dardargelinayo

Garoowe: 06 April 2024: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel oo ay wehelinayo Wasiir kuxigeenka wasaaradda Dr Cabdirishiid Xassan Jaamac,ayaa warbixino ka dhagaystay waaxyaha qorshaynta,Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Maamulka iyo Maaliyada.

Saddexda waaxyood,ayaa Wasiirada la wadaagay shaqada maalin laha ah ee socota qaabka ay usocoto iyo caqabadaha jira.
Wasiirada ayaa suaalo ka weydiiyay waxyaabaha ay soo bandhigeen si uu macluumaad balaaran uga helo,waxaana kuu ku amaanay kuna bogaadiyay shaqada baaxada leh ee ay bulshada uhayaan, waxaana uu kula dardaarmay inay sii laba jibaraan shaqooyinka bulshada loo hayo.

Warbixinta hogaanka cusub ee Wasaaradda ay wadeen ilaa markii ay xilka la wareegeen waxay ku saabsanayd sidii ay xog dhamaystiran uhelaan loona diyaariyo qorshaha 5-sano ee soo socota ee Wasaaraadda Caafimaadka.