Hot Topics

Wasaarada Duulista Hawada PL iyo Wasaarada Gaadiidka Itoobiya oo kulan wada yeeshay

ADIS ABABA: 5-APRIL 2024: Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL Cabdillaahi Bile Nuur oo weheliya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maax Gaboobe iyo Agaasimaha Waaxda Duulista Kabtan Maxamuud Xaaji Warsame ”Mooto” oo hawlo shaqo ku tagey Dalka Itoobiya,ayaa kulan kula qaatey masuuliyinta ay ka mid yihiin Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gadiidka Itoobiya Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas Mr Getachew Mengistie iyo Madaxda ugu sareeya Shirkadda Itoobiyaan Airlines Mesfin Tasew Bekele.

Kulamadan ay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL la qaateen Madaxda Dalka Itoobiya,ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia, Kor u qaadida Duulimadyada Diyaarada Itoobiyan Airlines ay ku timaado Deegaanada Puntland oo lagu soo kordhinayo Diyaaradaha xamuulka qaada ”Cargo Fly” iyo sidii loo siin-lahaa Shaqaalaha Wasaaradda Duulista DPL tababaro iyo deeq Waxbarasho ”Scholarship”.

Shirka,ayaa kusoo dhammaaday isfahan iyo sidii Madaxda Ethiopia iyo Puntland ay iskaaga kaashan lahayeen Arrimaha kor ku xusan.