Hot Topics

Waxkaqabadka Hay’ada Wadooyinka Puntland oo la qiimeeyay

Garoowe: 09 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyas Cismaan Lugatoor,ayaa warbixin ku aadan xaalada Wadooyinka Puntland ka dhegeystay masuuliyiinta Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA).

Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo ay weheliyaan Injineero ka tirsan Hay’adda ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogihii u dambeeyey ee Jidadka oo ay ka mid yihiin Wadooyinka la dhisay, kuwa la dayactiray, iyo kuwa qorshaysan in dib u dhis lagu sameeyo oo hay’addu diyaarisay dhammaan daraasaadkoodii.

Kulanka waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.