Hot Topics

Wararkii ugu danbeeyay Weftiga PL Ee Jigjiga

Weftigii Puntland ee ku sugnaa Jigjiga Caasimada DDSI,ayaa soo gabagabaynaya booqashadoodii.

100% Shaqooyinkii ay utageen Jigjiga ee ahaa dhamaystirka heshiisyadii ay lagaleen Dowlada Fadaraalka Itoobiya,way uhirgaleen.

Wasiirada DDSI iyo kuwa PL ee kala duwan,ayaa Saxiixa ku duugay in mudo Bil ah lagu dhaqangeliyo dhamaan Qodobada lagu heshiiyay.

Hirgelinta heshiisyadan,ayay Dowlada Fadaraalka Itoobiya uxilsaartay wefti heer Dowlada Fadaraal ah,kaasoo galbinayay weftiga PL ee Jigjiga gaaray.

Itoobiya iyo Puntland,waxay leeyihiin xiriir dhinacyo badan leh oo soo jireen ah.

JQ.