Hot Topics

Muxuu daaran yahay socdaalka Xasan Shiikh Ee Nayrobi?

Tagidiisa Nayrobi,waxay iskugu jirtaa dhawr qorshe oo kala ah…

1.La kulanka Ruto oo wada dhexdhexaadinta Itoobiya iyo Somaliya ee arinka SL MOU.

2.La kulanka Deni oo Maraykanku riixayo.

3.La kulanka Sh.Shariif oo Ganacsato Beesha Labada Nin ah ay diyaarinayaan.

4.Khilaafka Canshuurta Jaadka.

MW sharciyada lumiyay,ayay Bil kadib ay ubuuxsamayso Labadii Sano ee mudo xileedkiisa ka dhigaysa kala bar,isagoon wax la taaban karo uu qabtay aysan jirin.

Balse taa badalkeeda ku fashilmay dhawr arimood oo muhiim u ahaa Dowlad dhiska Somaliya…

B.Dagaalka argagixisada.
T.Isku haynta Midnimada Wadanka.
J.Dib u eegista Dastuurka.

Waxaa muuqata in Xasan ku fashilmay hogaaminta Wadanka oo Somaliya ukala qaybsantay si rasmi ah Sadex Dowladood oo kala leh Sadex Dastuur.

 

JQ.