Hot Topics

Maxay kaga wada hadleen Maraykanka iyo Xasan Shiikh kulankooda Nayrobi?

Maraykanku way la kulmeen Xasan iyo Kooxdiisa la socotay,kadib Shirkii Ruto.

Kulankan ma dheerayn si hoosana looma guda gelin arimaha,waxaase lagu balamay in Xamar layskugu tago oo lagu dhamaystiro wada xaajoodka.

Sidoo kale Maraykanku,waxay si hordhac ah ula kulmi doonaan Deni maalmaha soo socda,isla markaana ,waxay tagi doonaan Garowe.

Dadaalka Maraykanku,waa in la xakameeyo khilaafka taagan oo xal loo helo Jamhuuriyada Somalida ee Sadexda uqaybsantay.

Garowe,waxaa ka dhici doona kulan BC iyo PL ay uga wada hadli doonaan hanaanka wada shaqayneed ee ay yeelan doonaan.

PL,waxaa udegan oo ay samaysatay qorshe horumarineed oo 5-Sano ah,kaasoo aad loo amaanay soona jiitay Deeq bixiyayaasha.

JQ.