Hot Topics

Kenya miyay gaartay danihii ay ka dhex raadinaysay khilaafka Itoobiya iyo Somaliya?

Kenya iyo Itoobiya,waxay isku haysteen dhul Xuduuda ku yaal.

Markii Somaliya iyo Itoobiya ay isku dhaceen kenya qaab siyaasadeed ay dan ka dhex aragtay ayay Somaliya kula safatay si Itoobiya Dawladaha Gobolku cadaadis usaaraan.

Abiy Axmed oo cariiri siyaasadeed dareemay,ayaa Kenya tagay si wanaagsan,ayuu uqaabilay Ruto oo Labada Wadan si furan ayay uga xaajoodeen arimihii dhexdooda yaalay….

1.Abiy Axmed,waa ka tanaasulay arinkii Kenya ee xuduuda.

2.Musharaxa Kenya ee Midowga Afrika,ayuu balan qaaday inuu taageerayo.

3.Kenya oo culayska Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Itoobiya haysta ka qayb qaadanaysa sidii uu uyaraan lahaa.

4.Abiy heshiiiskii SL in uu khaldanaa,ayuu kenya usheegay oo farsamaduna ka xumaatay hadana diyaar uyahay qaab ka duwan kii hore in wax loo xaliyo.

5.In Kenya kala shaqayso sidii Suuqa Ganacsiga Bartamaha iyo Bariga Afrika qayb uga noqon lahayd,ayaa isfahanka ka mid ahaa.

Ugu danbayn Kenya waxay heshay Itoobiya oo uga tanaasushay Dhulkii muranku ka jiray iyo taageerida Itoobiya ee Musharaxa ay uwadato Midowga Afrika,iyadoo sii dhex martay ka faa’idaysiga khilaafka Itoobiya iyo Somaliya.

JQ.