Hot Topics

Weerar Toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Sydney Australia

Booliiska Australia,ayaa sheegay in ay toogteen Nin weerar Toorrey loo adeegsaday ku qaaday Lix Qof oo ku sugnaa suuq weyn oo ku yaalla magaalada Sydney.

Ninka,ayaa Sabtida maanta ah lagu dilay xeebta Bondi, sida ay Boolisku sheegeen, iyadoo weerarkaasi uu sababay in boqolaal qof ay goobta ka cararaan.

Ninka weerarka qaaday,ayaa waxaa toogtay Askari booliis ah kadib markii uu weeraray dad wax ka iibsanayay xarunta mashquulka badan ee Westfield Bondi, sida ay Booliisku ku sheegeen qoraal ay soo saareen.

Shan ka mid ah Lixda qof ee la dilay,ayaa ahaa dumar, halka siddeed Qof oo uu ku jiro ilmo Sagaal Bilood jir ahna loo qaaday Isbitaalka iyaga oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray weerarka Mindida ama Tooreyda loo adeegsaday, sida ay shir jaraa’id ka sheegtay Taliyaha Bilayska New South Wales Karen Webb.

 

Halkan ka daawo muuqaalka