Hot Topics

Markabkii laga lahaa Bangaladhesh oo lagu sii daayay Madaxfurasho Lacageed

Burcadbadeeda,ayaa sii daayay Markabkii MV Abdullah ka dib markii ay heleen lacag madax furasho ah oo dhan $5-Milyan.

Sii daynta Markabka iyo helida Burcada Lacagta Madax furashada ah,waxaa noo xaqiijiyay Ilo lagu kalsoonaan karo.

Markabkan oo laga leeyahay Wadanka Bangaladesh,ayay Burcad Badaadu Gacanta ku dhigeen Bishii hore ee March,isagoo marayay Biyaha Caalamiga ah.

Dhamaan Shaqaalihii Markabka oo gaarayay 23-Xubnood,ayaa Nabad qaba sida la xaqiijiyay.

Dowlada Puntland,ayaa si weyn uga hawlgashay dhanka Dhulka si aysan Burcadu uhelin gurmad.

Sidoo kale Ciidamada caalamiga ah ee Bada ka hawlgala,gaar ahaan kuwa Hindiya,ayaa hawlgal ay fuliyeen kusoo furtay Markab isla Aagaas lagu haystay,waxayna Gacanta kusoo dhigeen Burcadii saarnayd.

 

JQ.