Hot Topics

Ra’isalwasaaraha Yuhuuda oo heegan galiyay Ciidamada IDF

Israa’iil,ayaa Sannadihii u danbeeyay,gaar ahaan Toddobaadyadii la soo dhaafay shaki xoog badan ka qabtay suurtagalnimada weerar toos ah oo uga yimaada Iran.

Nidaamka difaaca Israa’iil,ayaa heegan la galiyay,waxayna Ciidamada IDF ee awooda badan loo diyaariyay weerar ama difaac Labadaba.

“Dawladda Israa’iil waa xoog badan tahay, IDF waa xoog badan yihiin,Dadwaynuhuna waa abaabulan yihiin”Ayuu yiri Netanyahu.

Sidoo kale Netanyahu,wuxuu umahadceliyay Wadamo ay ugu waa weyn yihiin Mareykanka,Ingiriiska,Faransiiska.

Hadaladan guubaabada ah,ayuu Netanyahu jeediyay xilli Iran ay ku hanjabtay in ay weerar aargudasho ah qaadayso kadib weerarkii Israa’iil ee Safaaradeeda Siiriya.

Wararka Caawa soo baxaya,ayaa sheegaya in Iran ay kicisay Darsin Diyaaradaheeda Dronska ah.

Maraykanka oo ah garab istaagaha ugu weyn ee Israa’iil,ayaa balan qaaday in uu difaacayo Israa’iil hadii weerar uga yimaado Iran