Hot Topics

Maraykanka oo ay ubadan tahay in uu hakiyo wada shaqaynta Nisa

Maraykanku,waxay ubadan tahay in ay joojiyaan la shaqaynta Nisa kala shaki weyn oo yimid kadib.

Tuhunka Maraykanka,wuxuu yahay in Nisa ay saamayn weyn ku dhex yeesheen Nabadiidka oo aan xogo badan iyo wada shaqayn lagu sii aamini karin.

Safaaradii Xamar ee Maraykanka,waxaa loo xiray xaalad amni daro awgeed,waana sii xirnaanaysaa in mudo ah.

Masuuliyiin Maraykanka ah oo Xasan kulan kula yeeshay Nayrobi,waxay gaarsiiyeen walaacooda xaalada Wadanka,gaar ahaan amaanka.

Walwalka soo siyaaday,waa jabka ku yimid Ciidamadii la geliyay dagaalkii Nabad-diidka oo haatan dib ugu soo laabtay Xamar.

Sidoo kale Nabad-diidka,waxaa la tilmaamayaa in daafaha Muqdisho ay ku ururinayaan Ciidamo.

Cakirnaanta amaanka Xamar,waxaa usii dheer Xasan dhaqaalo dari daran oo haysata Dowladiisa lumisay Sharciyada.

JQ.